Markab ay Xuuthiyiintu weerareen oo ku xirtay dekadda Jabuuti.

Wednesday March 06, 2024 - 10:56:20
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa weli sii wada weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga reergalbeedka ee isticmaala biyaha Badda Cas.
Shirkadda Konteennarada caalamiga ah ee lagu magacaabo ayaa MSC ayaa ku dhawaaqday in saaruukh lala helay mid kamida maraakiibteeda xilli uu shixnado ganacsi usiday dalka Jabuuti.

Dekadda caalamiga Jabuuti waxaa ku xirtay markabka MSC SKy 2 kaasi oo waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar loo adeegsaday saaruukh, shirkadda MSC ee fadhigeedu yahay dalka Switzerland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lademiyay dab ka kacay markabkeeda lagu weeraray xeebaha Yemen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in markabka laweeraray dayactir kooban lagu sameeyay kadibna uu safarkiisa sii watay.

Related Items

Update cookies preferences