Shirkadda iska leh markabka MV Cabdalla oo war cusub ka soo saartey.

Wednesday March 20, 2024 - 11:58:41
Liibaan Jeexoow
Ka dib afduub ay kooxo Soomaali ahi u geysteen markab laga leeyahay Bangladesh waxa ugu dambeyn masuuliyiinta markabkaasi soo saareen bayaan sheegaya in wadahadal nabadeed lagu dhammeeyo arrintaas si markabka loo soo furto isla markaana looga dheeraado dhiig daata.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Cabdalla iyo shaqaale dhan 23 qof ayaa weli ku jira gacanta koox Soomaali ah oo ka qafaashey markabka Badweynta Hindiya 12 March oo ah bishan aynu ku jirno.

Dhanka kale dhawaan ayaa ciidamo Hindiyaan ahi furteen markab kale oo koox Soomaali ahi afduubatey kuwaas oo tiradoodu ahayd 35qof. Kooxdan Soomaalida ah ayaa loo qaadey Hindiya iyada oo la sheegay in lagu maxkamadeyn doono. Waxa loogu yeero "Sharciga Caalamiga” ah ayaa dhigaya in dalkastaa masuul ka yahay ama lagala tashanayo ilaa 12mile oo xeebtiisa ah, hase ahaatee taa beddelkeeda Hindiyaanku ma samayn.

Markabka isagu weli ku jira gacanta Soomaalida ee MV Cabdalla ayaa mulkiileyaashiisa; Kabir Group waxa ay tibaaxeen in ay muhiimadda koowaad siinayaan bedqabka shaqaalahooda isla markaana aaney sameyn doonin hawlgal millateri.

"Ma sameyn doonno tallaabo ciidan, nooc kasta oo ay tahay” ayuu yiri la taliyaha warbaahinta ee Kabir Group.

MV Cabdallah ayaa ka yimid Mozambique una socday Immaaraatka Carabta waxa aanu sidey sida la sheegay 50,000 oo tan oo dhuxul ah. Kabir Group waxa markab ay lahaayeen uu hore ugu dhacey gacanta "Budhcad Badeedda Soomaalida” sannadkii 2010. Markabkaas oo la oran jirey MV Jahan Moni waxa uu afduubnaa muddo saddex bilood ah isla markaana waxa shaqaalihii markabka ee xilligaa lagu sii daayey madaxfurasho.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences