Imaarada Islaamiga oo Karaameysay waalid 6 kamid ah carruurtiisa ay shahiideen [Sawirro].

Monday March 25, 2024 - 14:48:54
Liibaan Jeexoow
Wasiirka arrimaha gudaha imaarada islaamiga Afghaanistaan Sheekh Siraaju-diin Xaqqaani, ayaa la kulmay Al-xaaji Cabdul Sattaar oo ah waalid indhihiisa ku waayay intii uu socday halgankii jihaadka ee lala galay midowgii Soofiyeet-ka, sidoo kalena saddex ka mid ah caruurtiisa ay ku shahiideen fatrada halgankii jihaadka ee lagula jiray Maraykanka iyo xuluafadiisa.
Al-xaaji Cabdul sattaar ayaa xilliga uu la kulmay Sh Siraaju-ddin watay warqad maamuus ah oo uu ka helay Sh Mullaa Maxamed Cumar oo ah amiirkii Mu’miniinta Allaah ha u naxariistee, waxaana warqaddaasi dib ugu cosbooneysiiyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda islaamiga ah ee Agahanistan Sh Siraaju-ddiin.

Wazaaradda arrimaha gudaha ee imaarada, waxay horay sidan oo kale u qaabishay waalidiinta carruurtooda ay ku shahiideen intii uu socday halgankii jihaadka ee lala galay midowgii Soofiyeet-ka iyo kii ugu dambeeyay ee dalkaasi looga xoreeyay Maraykanka iyo xulafadiisa, waxay sidoo kale wazaaraddu la kulmaysay carruurta shuhadada.

17-kii February ayay ahayd markii Sheekh Siraaju-ddiin Xaqaani oo ah waziirka arrimaha gudaha uu xafiiskiisa ku qaabilay Al-waalid Al-helmandi oo lix ka mid ah wiilashiisa ay ku shahiideen halgankii jihaadka ee dalkaasi looga xoreeyay Maraykanka iyo xulafadiisa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

Related Items

Update cookies preferences