Cudurka shuban biyood/daacuunka oo ka dillaacey gobollo kamida Soomaaliya.

Tuesday April 09, 2024 - 11:34:51
Liibaan Jeexoow
Cudurka Shuban-biyoodka(Watery Diarrhoea) ama kalooraha ayaa ka dillaacey gobollo kamid ah dalkeenna Soomaaliya.
Inkasta oo kiisaska la diwaan galiyey aan aad loo dareemin haddana waxa ay hay’adda OCHA oo hoostagta waxa loogu yeero Qaramada Midoobey warbixin ay soo saartey ku sheegtay in kiisaska la diwaangeliyey ay kor u dhaafeen afar kun oo xaaladood.

OCHA oo lagu sheego in ay ka shaqayso arrimaha bina aadannimadu waxa ay tibaaxdey in kiisaskan la diwaangaliyey intii u dhexaysay 1-dii January ilaa 18 March ay noqdeen 4,380 kiis.

Degmooyinka laga sameeyay diwaangelinta oo lagu sheegay 32 degmo waxa ilaa hadda u nafwaayey cudurka 54 qof kuwaas oo 60% ay yihiin carruur ka hooseysa da’da shan sano.

Maamulka Puntland ayaa warbixinta lagu sheegay in uu yahay midka ugu kiisaska badan, 351 xaaladood oo la rikoodh-gareeyay waxa nafwaayey 23 qof afartii toddobaad ee ugu dambeeyay. Maamulka Somaliland ayaa isna la xusey in la diwaangaliyey 21 xaaladood oo laga shakisan yahay.

Maamulka Hirshabelle ayaa isna xaalado noocan oo kale ah la diwaangeliyey sannadkii tagey kuwaas oo gaarayey ilaa 273 xaaladood walow immika la sheegayo in taasi hoos u dhacdey. Kiisaska qalinka lagu duugay ee maamulka Hirshabelle ayaa inta badan laga rikoor-gareeyay Beledweyne, Buulo Burde, Jalalaqsi, Mahaddaay iyo Balcad sida warbixinta lagu xusey. Maamulka Hirshabelle waxa dabayaaqadii sannadkii hore ka dhacey fatahaado.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences