Abuu Cubeyda oo ku dhawaaqay in Muqaawamadu ay fashiliyeen hadafkii ciidanka Yahuudda ay ugu duuleen magaalada Qaza.

Wednesday April 24, 2024 - 12:47:05
Liibaan Jeexoow
Xoogaga muqaawamada Falasdiin ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay habsami usocodka howlgalka duufaanta Al Aqsaa ee sida xowlliga ah uga socota dhulalka Falasdiin ee ixtilaalka kujira.
Abuu Cubeyda oo ah Afhayeenka muqaawamada ayaa kalimad uu jeediyay uga hadlay 200 maalmood kadib sida uu yahay loollanka adag ee ka jira magaalada Qaza iyo hareeraheeda.

Ugu horrayn Afhayeenka muqaawamada Falasdiin wuxuu sheegay in ciidamada Yahuuddu ay ku guuldarraysteen hadafkii ay duullaanka usoo qaadeen oo ahaa in ay burburiyaan awoodda xoogag waxiska caabinta kadibna ay xoog ku furtaan maxaabiista Yahuudda ee lagu qabtay howlgalka duufaanta Al-Aqsaa.

Wuxuu sheegay in muqaawamadu ay xaalad wanaagsan ku suganyihiin ayna udiyaarsanyihiin sidii ay dagaal dabadheeraada ula geli lahaayeen ciidanka Sahaayinada.

Abuu Cubeyda mar uu soo hadal qaaday xasuuqa ka dhanka ah Shacabka Qaza wuxuu carrabaabay in guusha kaliya ee cadowga sheegan karo ay tahay xasuuqyadii foosha xumaa ee uu ka geystay Qaza arrinkaas oo caalamka umuujisay bahalnimadiisa.

200 oo maalmood kadib dagaalka Qaza ayay dadka shuhadada ah gaareen 34,183 ruux shacab ah.

Related Items

Update cookies preferences