Xildhibaan horay uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo Muqdisho lagu dilay.

Saturday April 27, 2024 - 17:16:38
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho kaasi oo lagu dilay xildhibaan horay uga tirsanaa maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.
Dagaalyahanno hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dilay Cali Cumar Gaab oo ahaa siyaasi horay uga mid noqday xildhibaannada Koonfur Galbeed.

War kooban oo kasoo baxay jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan uu udhisay sidii loogu talagalay.

Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana sii dheer weerarada tooska ah ee lagu qaado baraha koontarool ee ciidamada dowladda.
====

Related Items

Update cookies preferences