Xiisad ka taagan degmada Boondheere kadib markii uu dhaawac udhintay nin sarkaal ahaa.

Wednesday May 01, 2024 - 17:55:52
Liibaan Jeexoow
Xiisada colaadeed ayaa ka aloosan mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho kadib markii uu dhaawac udhintay sarkaal katirsanaa maleeshiyaadka dowladda.
Sayid Cali Cabdi oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada DF-ka ayaa udhintay dhaawac kasoo gaaray iska hor'imaad maalmo ka hor ka dhacay degmada Boondheere.

Maanta gelinkii dame ayay maleeshiyaad wata gaadiidka dagaalka waxay soo gaareen isgoyska Boondheere halkaas oo ay difaacyo ka qoteen.

Waxaa istaagay isku socodka gaadiidka dadweynaha sababa laxiriira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka hubaysan ay halkaas ku dagaallamaan.

Related Items

Update cookies preferences