Muxuu qabtaa Xafiiska Q.Midoobay ee Soomaaliya ee dowladda Xasan Sheekh saluugsantahay? [Warbixin].

Thursday May 09, 2024 - 14:57:26
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta ayaa heshay nuqulka qoraal codsi ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya udirtay waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda ayaa Xoghayaha guud ee Q.Midoobay ka codsaday in la baabi'iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya oo ah midka sida dhabta ah umaamula xukuumadda Villa Somalia iyo maamul goboleedyada.

"Kadib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga oo lakala diro xafiiska howlgalka Q.Midoobay ee Soomaaliya Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri warqadda uu diray wasiirka arrimaha dibadda.

Tan iyo sanaddii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii Max'med Siyaad Barre ayay Q.Midoobay iyo reergalbeedku ku maamulayeen Soomaaliya waxa loogu yeero qodobka 7aad oo ah gummeysi dadban, waxaa hadda Soomaaliya madaxweynaha dhabta ka ah Ergayga Q.Midoobay ee fadhigiisu yahay xerada Xalane isaga ayayna hoostagaan dhammaan ciidmaada shisheeyaha ATMIS iyo hay'adaha magacyada kala duwan leh ee UN-ka.

Madaxweynaha DF-ka ee Villa Somalia fadhiya ayaa huwan jago magac uyeel ah balse talada kama dambaysta ah ee dowladda waxay ka go'daa shisheeyaha 'beesha Caalamka' ee Xalane ku sugan.

Related Items

Update cookies preferences