Kadib Weerarkii Al Shabaab ee saraakiisha looga laayay Imaaraatka oo soo xiray saldhiggiisi Muqdisho.

Monday May 13, 2024 - 13:45:31
Liibaan Jeexoow
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bilaawday in ay soo gaba gabayso joogitaankeeda melleteri ee magaalada Muqdisho kadib howlgalkii Al Shabaab ee saraakiisha badan looga laayay.
Xerada Jeneraal Goordan oo aheyd saldhigga ugu weyn ee dowladda Imaaraatka ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya ayaa albaabada loolaabay waxaana laga daabulay gaadiidkii gaashaanaa iyo qalabkii kale ee yiillay gudaha xerada.

Dekadda caalamiga Muqdisho waxaa kusoo xirtay Markab ay leedahay Imaaraatka kaasi oo lagu daabulayo gaadiidkii dowladda Imaaraatka ay ugu talagashay maleeshiyaadkii ay utababartay ladagaallanka Al Shabaab.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga dheehan karay gaadiid tareellayaal ah oo gaadiidka gaashaaman ee Imaaraatka iyo kuwa aan xabaddu karin ka daabulaya xerada Jeneraal Goordan.

Weerar ay Al Shabaab ka fuliyeen Muqdisho 10-kii bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa gallaftay nolosha saraakiishii dowladda Imaaraatka wakiilka uga ahaa dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf udhaxeeyay Xasan Gurguurte iyo Imaaraatka Carabta arrinkaas oo ka dhashay lacago loogu talagalay maleeshiyaadkii lagusoo tababaray dalka Uganda oo la musuq maasuqay iyo arrimo kale oo la xiriira hanaanka loo maareeyay maleeshiyaad ay Abu Dubai qalabaysay oo lagu laayay dagaallo ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences