Warar sheegaya in Turkigu uu dowladaha Yurub kasii iibinayo Kheyraadka Soomaaliya.

Tuesday May 14, 2024 - 16:55:08
Liibaan Jeexoow
Tan iyo markii dowladda Xasan Gurguute ay Turkiga ku wareejisay badda Soomaaliya waxaa isisoo tarayay is gaashaanbuuraysiga ay sameynayaan dowladaha reer Yurub ee maraakiibta iyo ciidamadu ka joogaan xeebaha geeska Afrika.
Magaalada Brussels ee caasimadda wadanka Biljamka waxaa ka furmay shir ay isugu yimideen dowladaha qaaradda Yurub iyo isbahaysiga NATO waxaana la sheegay in looga hadlayo arrimaha geeska Afrika.

Wafdi ka socda ururka midowga Afrika ayaa shirka lagu martiqaaday kuwaas oo khudbado ka jeedinaya ajandayaasha shirka.

Diblumaasiyiin ku sugan magaalada Brussels waxay sheegeen in Midowga Yurub uu ururka NATO ugudbinayo aragtidiisa ku aaddan amniga marinta Baabul Mandab iyo gacanka cadmeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladaha gumeystayaasha Yurub ee Maraakiibtoodu ay ku suganyihiin xeebaha Soomaaliya ay Turkiga kala hadlayaan sidii ay uqeybsan lahayeen kheyraadka dhax ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Dowladda dabadhilifka Turkiga oo xubin buuxda ka ah Ururka NATO ayaa larumeysanyahay in soo duulayaasha caddaanka ah ay kula saaxiibayso kheyraadka dahan ee Soomaaliya iyadoo haysata ogolaanshiyaha kooxda Xasan Gurguurte.

Heshiiskii dhaxmaraya Villa Somalia iyo Anqara ayaa dhigayay in Turkigu awood uleeyahay in uu dowladaha kale kasii iibin karo kheyraadka Soomaaliya.

Colaadaha laayaanka ah ee ka taagan dalalka geeska Afrika sida itoobiya iyo Suudaan iyo weerarada ay badda Cas ka geysanayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa halis gelinaya masaalixda dowladaha reer Yurub waxaana xusid mudan in dekada Jabuuti ay ku xiranyihiin tobanaan markab oo uu ka xirmay gacanka Cadan.

Related Items

Update cookies preferences