Shirkii Qowsaarrada gummeysiga oo Muqdisho ka furmay iyo Firdhiye oo qeyb ka ah.

Tuesday May 14, 2024 - 17:43:13
Liibaan Jeexoow
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir ay isugu yimideen madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dabadhilifyada Soomaaliya.
Shirkan oo uu guddoominayo Xasan Gurguurte ayaa la sheegay in lagu xallinayo khilaafaadyo siyaasadeed oo bilihii lasoo dhaafay udhaxeeyay Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada.

Nin lagu magacaabo Firdhiye oo madax u ah maamulka isku magacaabay SSC ayaa markiisi ugu horraysay shirkan ka qeyb gelaya balse waxaa ka maqan Saciid Deni oo ah madaxweynaha maamulka dabadhilifka Puntland.

Tan iyo markii uu Xasan Sheekh baarlamaanka ka meelmarsaday waxka bedelka dastuurka ayay dhinacyda dabadhilifyada ah kusii kala fogaanayeen arrimaha siyaasadda.

Related Items

Update cookies preferences