ICC oo waaran xiritaan u jartey Netanyahu iyo Yaxya Sinwaar.

Monday May 20, 2024 - 19:06:37
Liibaan Jeexoow
Kuwa loogu yeero Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ayaa soo saarey waaran lagu xirayo Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar.
Mas’uul u hadley ICC oo lagu magacaabo Karim Khan ayaa maanta oo Isniin ah ka dhawaajiyey warmurtiyeed xarig ahaa oo lagu soo oogayo RW Yuhuudda Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Gallant kuwaas oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal.

Dhanka kale waxa maxkamaddu hoosta ka xarriiqday Hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar, Taliyaha Garabka Dagaal ee Xamaas Maxamed Dayf iyo Hoggaanka Maktabka Siyaasiga ee Xamaas Ismaaciil Haniya. Mas’uuliyiinta reer Falastiin ayaa lagu eedeeyay in ay hormuud ka ahaayeen weerarkii Duufaanta Awsa ee October 7,2023.

Dagaalka u dhexeeya xoogagga iska caabbinta Xamaas iyo Yuhuudda ayaa galey maalintii 227 welina Yuhuuddu wax natiijo ah kama hayso sababihii ay dagaalka u galeen aan ka ahayn in ay laayeen dad soddon kun kor u dhaafey oo haween iyo carruur u badan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences