Norway oo sheegtay in ay diyaar u tahay xiritaanka Netanyahu.

Wednesday May 22, 2024 - 15:24:56
Liibaan Jeexoow
Dalka Norway ayaa noqonaya waddankii ugu horreeyay ee aqbala go'aankii waxa loogu yeero Maxkamadda Dembi Dagaal ICC.
 Wasiirka Khaarajiga Norway Espen Barth waxa uu ka dhawaajiyey in haddii maxkamadda ICC ay dalbato in la xiro Benjamin Netanyahu haddii uu booqasho dalkaas ku tago in ay yeelayaan.

"Waa maxkamadda midda qaadatey go’aanka xiritaanka Netanyahu. Haddii ay sidaasi dhacdo; waa in dhammaan dalalkii qaybta ka ahaa aas aaska ICC ay ajiibaan”. Ayuu yiri Espen.

Warbaahinta Yuhuudda oo aad u qaadaa dhigey arrinkan ayaa siyaabo kala duwan uga hadley. Saxiifadda Yudiicoot Oxronoot ee ka soo baxda Israel ayaa sheegtay in hanjabaadda Norway ay tahay mid aan dhici karin sababtana waxa ay ku sheegeen in Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacu aanay tegiba doonin Norway.

Dhanka kale waxa soo baxaya warar sheegaya in dalal ay kamid tahay Norway ay qorshaynayaan in ay ‘ictiraafaan’ Falastiin.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences