Al Shabaab oo weerar Askari Kenyaan ah lagu dilay ku qaaday saldhig kuyaal Lamu.

Wednesday May 22, 2024 - 12:39:54
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hubaysan oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Kiyunga oo katirsan gobolka Lamu.

Jihaadiyiinta weerarka qaaday ayaa dilay 1 askari oo katirsan ciidanka Booliska waxayna gubeen matoorkii korontada siin jiray saldhigga Kiyunga.

Dhinaca kale dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar habeenimo ku miray saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kaambooni ee katirsan gobolka Jubbada Hoose balse ku dhow xuduud beenaadka Kenya.

Related Items

Update cookies preferences