Dowladda Xasan Gurguurte oo kasoo horjeesatay saadaalintii Rutu ee xaaladda Soomaaliya.

Tuesday May 28, 2024 - 13:32:20
Liibaan Jeexoow
Cali Balcad wasiiru dowllaha arrimaha dibada
Cali Balcad wasiiru dowllaha arrimaha dibada
Dowladda Federaalka ayaa si dabacsan uga falcelisay warkii kasoo yeeray madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ugacan geli doonto Jihaadiyiinta Al Shabaab haddii ay ciidamada shisheeyaha Afrikaanta isaga baxaan dalka.
Cali Cumar Balcad oo ah wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda DF-ka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan lamid aheyn Afghanistan balse kuma dhiirran in uu si toos ah umagac dhabo William Ruto.

"Dhaqdhaqaaqa Soomaaliya aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afgaanistaan,bixitaanka ciidamada shisheeye ma horseedi doonto xaalad la mid ah taas oo kale, Awoodda aynu saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso xasilloonideeda"ayuu yiri Cali Balcad.

William Ruto ayaa jimcihii lasoo dhaafay aqalka cad ee Mareykanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii Afghanistan isagoo Joe Biden uga digay in Shabaabul Mujaahidiin ay qabsadaan Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences