Ciidanka Yuhuudda oo iclaamiyey in ay soo furteen afar maxbuus.

Saturday June 08, 2024 - 06:01:39
Liibaan Jeexoow
Ciidanka Yuhuudda ee duullaanka ku jooga dhulka muslimiinta Falasdiin ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay soo furteen afar maxbuus oo Yuhuud ah. Magacyada maxaabiistan la sheegay in lala baxey ayaa lagu sheegay Armaqaani, Almooc, Shaloomi iyo Andari' Kooslof.

Yuhuuddu waxa ay ka dhawaajiyeen in hawlgalkani uu ka dhacey Xerada Qoxoontiga Nuseirat ee ku taalla bartamaha Qasa.

Ururka Xamaas ayaan wali wax war ah ka soo saarin sheegashadan Yuhuudda. Dagaalka Xamaas iyo Yuhuudda ayaa galey maalintiisii 246aad.

Dhanka kale wararku waxa ay sheegayaan in duqeymo aan loo meel dayin Yuhuuddu ka geysteen Nusierat, Deyr Balax iyo goobo kale. Ilaa hadda dadka ku shahiidey duqeymahaas waxa lagu soo warramayaa in ay yihiin ilaa 80 ruux.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences