Ciidamada Itoobiya oo rakaab ah ku rasaaseeyay duleedka degmada Gibilleey.

Monday June 10, 2024 - 17:05:06
Liibaan Jeexoow
Ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya ayaa weerar khasaara dhaliyay ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa mid kamida deegaannada dhulka Soomaaligalbeed.
Gaari ka baxay magaalada Jigjiga kunasii jeeday degmada Wajaale ayaa weerar jidgal ah kala kulmay ciidamada Itoobiya ee loo yaqaan Finaas.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkiii kabadbaaday weerarkan waxaa si xun ugu dhaawacmay illaa dhowr ruux oo qaarkood dhaawacoodu aad udaranyahay.

Ciidamada Xabashida ayaa gaariga rasaas ku bilaabay markii uu marayay halka loo yaqaan Goob Yareey.

Muxidiin Muxumed Maxamuud oo kamid ahaa rakaabkii gaariga ayaa si xun udhaawacmay waxayna xabaddu ka haleeshay dhabarka iyadoona xaalad koomka ah uu kujiro.

Cali Muxumed Maxamuud oo ay walaala yihiin mid kamida dhibanayaasha ay xabashidu dhibaataysay ayaa kawarramaya sida ay wax udhaceen iyo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa caan ku ah in ay xasuuqaan shacabka Soomaaligalbeed ee gummeysiga ku hoos nool.

Related Items

Update cookies preferences