Sawirro:Ciidanka Itoobiya oo 75 qof Muslimiin Oroma ah ku Dilay Duleedka Addis Ababa.

Monday December 14, 2015 - 13:43:55
Super Admin
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay gummaad ay ciidamada xabashida Itoobiya ka geysteen gobollada ay ku badanyihiin dadka muslimiinta Oromada.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa xaqiijinaya in kacdoonno ka dhan ah maamulka Addis Ababa ay bilaawdeen gobolka Oromiya ee gacanta gumeysiga kujira.

Boqolaal kun oo shacab ah ayaa iskusoo baxayo ballaaran ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee gobolkaasi ka koobanyahay,ciidamada booliska iyo kuwa melleteriga Itoobiya ayaa bilaabay in ay xoog ku galaan fagaarayaasha dibad baxyadu ka socdaan.

Ilo wareedyado mas’uul ah ayaa sheegaya in toogasho aan kala sooc laheyn oo ay geysteen ciidanka Itoobiya ay ku dhinteen dad kabadan 75 qof oo dhammaantood ahaa shacab.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshadu kuwada xariirto ayaa muujinayay ciidanka Itoobiya oo xasuuq bahalnimo ah ka geysanaya fagaarayaasha iskusoo baxyada.

Dhalinyaro katirsan muslimiinta Oromada oo dibad joog ah ayaa sheegay in dadkoodu ay gummaad bahalnimo ah kala kulmayaan ciidamada Itoobiya iyagoona iclaamiyay kacdoon ballaaran oo ka dhan ah xabashida.

Itoobiya ayaa bishii lasoo dhaafay iclaamisay in gobolka Oromiya ee muslimiintu leeyihiin lagu biirin doono gobolka Addis Ababa ee Nasaarada Itoobiya ku badanyihiin.
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Ridwaan Hassan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences