Sawirro+Maqal:Masjid Weyn oo Laga Furay Deegaan Katirsan Gobolka Bay.

Sunday February 14, 2016 - 19:21:09
Super Admin
Maamullada islaamiga ah ee ka jira degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa wax qabad muuqda u haya bulshada halkaasi ku dhaqan xilli ciidanka Itoobiya ay ka xasuuq kula kacayaan shacabka



Munaasabad ballaaran oo lagu furayay masjid Cusub ayaa lagu qabtay Deegaanka Cadaad Geri ee gobolka Bay Koonfurta dalka soomaaliya.

Culimaaudiin iyo mas’uuliyiin katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa ka qeybgalay Munaasabada Masjidka Lagu furayay,Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo hadal ka jeediyay xaflada ayaa soo hadal qaaday dagaalkii Ceelcade iyo Arimo kale


Masaajidka ayaa sidoo kale Lagu soo bandhigay Arday wax ka barta mid kamid ah macaahida sharciga ah oo qabaa'illada gobolka Bay ay ka furteen deegaanka Caadad Geri,mas'uuliyiinta munaasabadda ka qeyb galay ayaa bogaadiyay dadaalka dadka deegaanka ee ku aaddan ka qeyb qaadashada fidinta dacwada islaamka.

Dhageyso Warbixinta Cadaad Geri MP3

782345710X10

Related Items

Update cookies preferences