Sawirro+Dhageysi: Machad ay Leedahay Beesha Garre Oo Dafcaddii Afaraad Soo Saaray.

Tuesday February 16, 2016 - 11:42:49
Super Admin
Munaasabad aad loo soo agaasimayayaa ka dhacday degmada Tooratoorow ee Wilaayada Sh.Hoose, taas oo ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Wilaayada Wax garadka iyo odayaasha dhaqanka gobolka, ganacsato, culimaa'udiin iyo guud ahaan qeybaha Bulshada.


Munaasabaddaoo ku aadanayd xiritaanka dafcaddii afaraad ee Machadka imaamu Shaafici ayaa sanadkan 1437 hijrigawaxaka qalin jebiyay ardey ku abtirsata Beesha Garre oo ka mid ah Beelaha dega wilaayaadka Shareecada islaamkuka taliso.

Ugu Horeyn Xafladda waxa lagu soo bandhigay dadaalka iyo juhdiga la geliyay ardeyda waxa ay barteen mudadii halka sano oo ay socotaywaxbarashada Machadka iyagoo halkaas kuso bandhigay qaar kamid ah kitaabadii ay ku xifdiyeen Machadka iyo qudbado ay ku jeedinayeen Luqada Carabiga.

Dhageyso codadka Ardayda

Machadkam imaamu Shaafici ayaa dhidibada lo taagay Sanaddi 1433 Hijriga, iyadona xarunta machadka loo doortay Deegaanka Dugule oo kamid ah Deeganada Hoostaga Degmada Tooratorow.

Hadaba heerarka uusoo maray afarti sano ee lasoo dhaafay machadkan waxaa munaasabada ku faahfaahiaya Sh-Ibaarhim Ganey oo ah Maamulaha Machadka.

Dhageyso Codka maamulaha machadka,

Odayaasha dhaqanka iyo Ganacstada Beesha Garre oo dhankooda xafladda ka hadlay ayaa sheegay iney aad ugu farxeen mudo hal sano kadib iney arkaan wiilashooda oo luuqadda Carabiga ku hadlaya islamarkaane inbadan soo bartay Culuumta Sharciga Islaamkaiyagoona meesha ka balanqaaday sii wadidda dadaalkan isla markaana mardhow ay soo diyaarin doonaan dufcadda Shanaad ee Machadka.

Waxaa gabagabadii kalimaad qaali ah munaasabadda ka jeediyay Sheekh Maxamed Abu Cabdalla Waaliga Wilaayada Sh.Hoose, isagoo uga mahad celiyay Bulshada Garre juhdiga ay bixiyeen, waxaanu dardaaran guud u jeediyay ardeyda Machadka Imaamu Shaafici.

Ugu dambeyn imtixaan ay galeen ardeyda ayaa lagu abaal mariyay sedaxdi ardey ee ugu darajada Badnayd oo la gudoonsiiyay abaal marinno qaali iyo shahaadooyin caddeynaya cilmiga ay soo barteen

Dhageyso Codka Waaliga Wilaayada Shabeelaha Hoose.

Waxa dhici karta in dadka qaar oo aan xaaladda wilaayaadka la socon ay is waydiyaan maxay tahay sababta macaahidda diiniga ah qabaa’ilka loogu magacaabay, runta haddii laga hadlo waxa ku jirta xikmad aad u wayn, waxana laga arkay khayr aad u badan oo qabaa’ilkii ay ku tartamayaan in ay caruurtooda diinta wada baraan, waxa ka aflaxay macaahidda qabaa’ilka kumanaan arday ah tan iyo intii qabiilooyinku ay bilaabeen tartanka barashada diinta Islaamka.

Dhinaca kale ardayda waxa la barayaa waa diin ee qabyaaladmaaha, barashada diintuna waa xalka koowaad ee qabyaaladda looga baxo, ardaygu marka uu diinta barto wuxuu noqonayaa nin ummadda ka dhexeeya, sidaa darteed dadkii barnaamijkan ku fakaray khayr badan ayaa u socda insha’allaah.

Daawo Sawirada:

Image1Image2Image3Image4Image5Image6Image7Image8Image9Image10Image11Image12Image13Image14Image15Image16Image17Image18Image19Image20

 


Related Items

Update cookies preferences