Mareykanka oo Duqeyn Ku Burburiyay Buundada Ugu Weyn Magaalada Muusil Ee Wadanka Ciraaq.

Wednesday November 23, 2016 - 08:21:57
Mid kamida Buundooyinka Muusil oo la burburiyay
Mid kamida Buundooyinka Muusil oo la burburiyay
Wararka ka imaanaya waqooyiga wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka isbahaysiga Mareykanka ayaa duqeyn ku burburiyeen mid kamida buundooyinka ugu muhiimsan magaalada Muusil.


Isbahaysiga 60-ka dowladood ka kooban ee Mareykanku hoggaaminayo ayaa ku faanay in ay dhulka la simeen Buundada 4-aad ee ugu weyn magaalada Muusil.

Col. John Dorian oo u hadlay isbahaysiga Caalamiga ah ayaa xaqiijiyay in duqeyn dhanka cirka ay ku burburiyeen Buunddo weyn oo dul marta wabiga Dajlah islamarkaana halbowle u aheyd isku socodka gaadiidka dadweynaha magaalada Muusil.

Buundadan la burburiyay ayaa isku xiri jirtay xaafadaha dhaca galbeedka iyo Bariga magaalada Muusil, "Duqeyn xagga cirka ah ayaan ku burburinay Buundada Afaraad ee magaalada Muusil” sidaas waxaa yiri Col. John Dorian oo u hadlay isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo.

Duqeymo bishii lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga Ciraaq ayaa lagu burburiyo Buundooyin muhiim u ah shacabka muslimiinta sunniga.

Cadawga Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday muslimiinta magaalada Muusil ayaa asaaliib dhagar ah u adeegsanaya dagaalka, warbixino ay uruuriyeen hay’adaha xuquuqul insaanka sheegta ayaa lagu caddeeyay in maadada Foosfoorka halista ah lagu duqeeyay xaafado dad shacab ah deganyihiin oo dhaca duleedka Muusil.

Dowladda Mareykanka oo horay u sheegan jirtay in ay ilaaliso xuquuqda bani'aadamka iyo nabadda caalamka ayaa hadda ku faanaysa in ay burburisay Buundooyin ay leeyihiin dad rayid ah.

Beenta Mareykanka iyo xulufadiisa ku duullaan caalamka islaamka ayaa sanadadii dambe banaanka usoo baxday kadib markii ay duqeymo dhanka cirka ah ku laayeen muslimiin ku sugan wadamo ay kamid yihiin Ciraaq, Afghanistan,Yemen, Soomaaliya iyo Suuriya.

isbahaysigan caalamiga ah wuxuu horay falal dambiyeedyo fool xun ugasoo geystay gobollada Raqqa iyo Deyruzuur ee wadanka Suuriya halkaasi oo uu ku laayay kumanaan shacab muslimiin sunni ah.

Kumanaan ciidamo lugta ah oo ku duulay magaalada 2-aad ee ugu weyn Ciraaq iyo diyaarado dhanka cirka ka duqeynaya ayaan wali ku guulaysan in ay qabsadaan magaaladaasi istiraatiijiga ah.

Related Items

Update cookies preferences