Dhageyso:Rag Jaasuusnimo Lagu Helay Oo Lagu Toogtay Degmada Buula Mareer iyo Mas'uuliyiin Ka Hadlay.

Saturday May 31, 2014 - 18:42:47
14182
Super Admin
Fagaara kuyaal degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha ayaa galabta lagu toogtay rag lagu helay jaasuusnimo iyo in ay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka iyo dowlado kale oo shisheeye.
Mas’uuliyiin katirsan wilaayada shabeelaha Hoose ayaa goob joog ka ahaa goobta,qaadiga maxkamadda islaamiga shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u akhriyay dambiyada lagu helay eedaysanayaasha kala ah.

1-Cali isxaaq cabdi oo 24 sana jir ah waxaa lagu helay in uu PS-ta dowladda Federaalka lashaqeynayay islamarkaana uu dhowr qof gacan geliyay

2-cusmaan Mahdi Cusmaan oo 33 sana jir ah wuxuu musharax u ahaa gudoomiye ku xigeenka qoryooley isagoona laqabtay isagoo maeelshiyaad si hoose u aruursaya

3-Bareele macalin C/Raxmaan oo 31 sanajir ah waxaa lagu helay fal jaasuusnimo isagoona ka yimid dhanka dhulka soomaaligalbeed Itoobiya gumeysato xubina ka ahaa ciidanka Liyuu Booliska.

Waaliga shabeelaha Hoose Sh.Maxamed Abuu Cabdalla ayaa isna ka hadlay fagaaraha wuxuuna hanjabaad ujeediyay Jawaasiista.

Halkan ka dhageyso Qaadiga


Halkan ka dhageyso Abuu Cabdalla MP3


Isha Maqalka:Idaacadda Andalus

Related Items

Update cookies preferences