Saraakiil AMISOM Katirsan Oo Musuq Maasuq iyo Xatooyo Lagu Helay Lana Maxkamadeeyay.

Saturday May 31, 2014 - 18:52:40
7478
Super Admin
Fadeexado hor leh oo musuq maasuq iyo xatooyo hantiyadeed ah ayaa kusoo baxay saraakiisha calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay maxkamadeyn ku bilaawday laba sarkaal oo lagu helay in ay iibsadeen shidaal AMISOM loogu talagalay iyo lacago loo qoondeeyay gaadiidka ciidamadu ku isticmaalaan Soomaaliya.

Maxkamad ku taal magaalada Kampala ayaa lasoo taagay saraakiisha waxaana kamid ah Lt-Col. Eugine Sebugwawo oo muddo sanad kabadan madax ka ahaa qeybta dayactirka gaadiidka ciidanka Uganda waxaana lagu helay in lacago Kumanaan dollar ah uu xaday.

Maj. Nasur Namara ayaa isna ku eedaysan in kumanaan liitar oo shidaal ah uu qaab suuq madoow ah uga iibiyay shacabka Muqdisho shidaalkaasi oo howlgallada AMISOM loogu talagalay.

Afhayeenka ciidanka UPDF-ta Uganda ayaa warbaahinta u sheegay in maxkamadda sare ee melleteriga Uganda ay maalmaha soo socda go’aamo ka gaari doonto dhowr kiis oo ku saabsan saraakiil ku eedaysan musuq maasuq ay Soomaaliya kusoo galeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items

Update cookies preferences