Joseph Kaguthi "Saxaafadda Kenya Waan Uga Digaynaa Baahinta Wararka Howlgallada Al Shabaab".

Saturday May 31, 2014 - 18:55:05
8527
Super Admin
Kadib weeraro joogta ah oo gudaha Kenya ka dhacayay bilihii lasoo dhaafay ayay xukuumadda Kenya isku dayaysaa in ay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee dalkaasi kajirta.
Kenya lamid ma ahan wadamada Jabuuti,Uganda,Burundi iyo Itoobiya waa dal leh saxaafad furfuran oo aan ka amar qaadan xukuumadda waana tan keentay in dalku uu indhaha caalamka soo jiito.

Marka laga hadlayo duullaanka ciidanka Kenya kusoo qaadeen soomaaliya saxaafadda Kenya dhax dhaxaad kama ahan waxayna si toos ah ula safatay ciidanka Melleteriga ee KDF loo yaqaan.

Weerarada is xigxiga ee ka dhacayay magaalooyinka Kenya iyo tuulooyinka ayaa saameyn ba’an ku reebay muwaadiniinta Kenya,war kasoo baxay saraakiisha Kenya ayaa lagu sheegay in saxaafadda madaxa banaan ay halis ku tahay ammaanka islamarkaana ay u danaynayso cadawga Kenya sida hadalka loo dhigay.

Joseph Kaguthi oo ah madaxa guddiga guud ee qaranka Kenya ayaa sheegay in wararka ku saabsan dagaalada xarakada Al Shabaab ay Kenya lagasho aan saxaafadda maxalliga ah laga baahin Karin.

"Haddii dalkaagu dagaal kujiro oo aad taageeri waysay waxaad tahay qof aan wadani aheyn ma ahan in dagaalka ay Kenya kula jirto argagaxisada ay saxaafadda Kenya taageeri wayso fadlan noqo wadani rasmi ah”ayuu yiri Joseph Kaguthi.

Isagoo suuqa Baraza kula hadlayay shacabka Kenyan ah ayuu dhaliilay milkiilayaasha warbaahinta madaxa banaan wuxuuna ugu baaqay in ay laalaan oo ay joojiyaan wararka ku saabsan weerarada lagusoo qaado Kenya.

"Qof walba oo Kenyaan ah waa ogyahay in ciidamadeenna ay dagaal kula jiraan argagaxisada Somalia, waana in saxaafaddu ay taageerto askarteena dagaalka kula jira argagaxisada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Joseph.

Kenya ayaa duullaan gardarra ah kusoo qaaday dalka soomaaliya sanaddii 2011 waxayna ciidankeedu qabsadeen degmooyin iyo deegaanno katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo wixii xiligaasi ka dambeeyay ayuu ammaankeedu faraha kasii baxayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items

Update cookies preferences