Duxul Ciise Barrow iyo Xuseen Xasan Weheliye Oo Al Shabaab Isku Dhiibay!.

Saturday May 31, 2014 - 18:58:37
8860
Super Admin
Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ee ka barbar shaqeeya ciidanka Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka baxsaday degmada Buula Barde.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in degmooyinka Buq Aqable iyo Jalalaqsi lagusoo bandhigay askar Towbadkeen ah.

Maamulada islaamiga ee Hiiraan kajira ayaa si wanaagsan ula dhaqmay askarta isdhiibtay,askarta oo markii ay safka shiseeyaha kasoo baxeen saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyiihiin in ay si nabad gelyo ah ehelkooda ula noolaadaan.

Duxul Ciise Barroow iyo Xuseen Wehliye ayaa kamid ahaa askarta Buula Barde kasoo goosatay,saraakiisha xarakada Al Shabaab ayaa soo goosashada askarta DF-ka ku tilmaamay xaaladda adag ee kajirta degmada Buula Barde.

Halkan ka dhageyso Askarta isdhiibtay MP3


Related Items

Update cookies preferences