Dhageyso:Sheekh Abuu Muscab Oo Shir Jaraa'id uga hadlay beegsigii Indha Qarshe iyo Dagaalkii deegaanka Caato.

Saturday May 31, 2014 - 19:01:29
8275
Super Admin
Taliska ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Caato ee dhaca xadbeenaadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidankooda oo tiigsanaya istiraatiijiyad dagaal ahdaaf gaar ah leh ay shalay weerar kula jarmaadeen ciidamada Dabaqoodhigga Itoobiya ama Liyuu Boolis oo saldhig weyn ku lahaa Caato.

Wuxuu xaqiijiyay in tobaneeyo maleeshiyaad ah ku dileen weerarkaasi ayna kasoo qaniimeysteen hub iyo saanado kale oo dhanka dagaalka ah.

Dhimashada ciidanka Itoobiya gaartay ayuu Abuu Muscab ku sheegay 35 dhimasho ah iyo dhaawaca 20 kale.

Sababta ay ciidanka Al Shabaab u beegsadeen Caato:Mas’uulkan u hadlay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in deegaanka Caato oo Ceelbarde iyo Yeed ujira min 45 KM dhanka Afdheer iyo baareyna ujira 105 KM sedaxda goobood oo ay fadhiyaan ciidanka Xabashida Itoobiya aysan awoodin in ay gurmad ufidiyaan ciidanka Caato ku sugan sidaasi daraadeed ay mujaahidiintu fursad u heleen in si fiican ay usugaan cadawga.

Isku daygii dil ee Col.Indha Qarshe:Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax maanta Muqdisho Lagula eegtay Indha Qashe taliyaha ciidanka Dowladda Fedeaalka.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar ka dhacay agagaarka warshadda caanaha ay ku sigeen Indha Qarshe isagoona sababeeyay weerarka ay ku qaadeen.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa'id Ee Sh.Abuu Muscab MP3

Related Items

Update cookies preferences