Ciidamada Imaarada islaamiga ah oo la wareegay Xuduudda uu Afghanistan la wadaago Shiinaha.

Thursday July 08, 2021 - 11:18:53
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in xoogaga jihaadiga ah ay markale lawareegeen gacan ku haynta magaalooyin istiraatiiji ah.


Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ayaa la sheegay in ay guluf dagaaleed xooggan ka wadaan dhowr gobol oo Afghanistan katirsan si ay awoodooda ugu ballaariyaan wadanka oo idil.

Dagaallo saacado badan qaatay kadib ayay xoogaga Taliban ku guuleysteen in ay la wareegaan gacan ku haynta degmada Waakhaan ee wilaayada Badshkaan.

Wariyaal ayaa soo sheegay in Taliban ay qabsatay dhammaan deegaannada kulaala xuduudda uu Afghanistan la wadaago dowladda Shiinaha.

Dhinaca kale ciidamada Taliban waxay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta degmada Gaadis oo katirsan wilaayada Baagdiis.

Wasaaradda difaaca xukuumadda Afghanistan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadoodu ay dib uqabsadeen magaala madaxda gobolka Baghdiis oo saacado kooban ay haysteen ciidamada Imaarada islaamiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences