Taliban oo la wareegay gacan ku haynta 4 Marin xuduudeed.

Saturday July 10, 2021 - 07:57:03
Xoogag jihaadiga Taliban ayaa wali sii wada qabsashada dhil baaxad leh oo katirsan wadanka Afghanistan arrinkaas oo ka dhigan in ay gacanta ku dhigeen 85% dhulka Afghanistan.


Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada imaarada islaamiga ah ay qabsadeen illaa sedax marin xuduudeed oo muhiim ah kuwaas oo ku teedsan sedax dal.

Xoogag aad u hubaysan ayaa qabsaday macbarka Abuu Nasar Faraahi oo laga galo xuduudda Iiraan, sidoo kale ciidamada Taliban ayaa la wareegay marin xuduudeedka kala qeybiya Afghanistan iyo Turkiministan.

Arrinta xasaasiga ah waa furashada marin xuduudeedka lagu magacaabo Islam Qalcah kaasi oo dhaca wilaayada hiraat, waa marin xuduudeed ay adeegsadaan dadka deggan illaa 20 gobol oo Afghanistan katirsan.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Imaarada ayaa sheegay in aysan wax halis ah gelin doonin ammaanka wadamada dariska ah islamarkaana ay xaqiiqsadeen maamulidda 85% dhulka Afghanistan.

Xukuumadda Shiicada iiraan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ka walaacsantahay isbedellada ka jira xuduudda balse waxay muujisay in aysan cabsi ka qabin weeraro uga yimaad Taliban.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences