Saldhig ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Suuriya oo la weeraray.

Sunday July 11, 2021 - 11:57:36
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in weerar hubaysan lagu qaaday saldhig ay ku suganyihiin askar iyo saraakiil American ah.


Kooxo hubaysan oo taabacsan dowladda Shiicada Iiraan ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday saldhig ay ciidamo American ah ku leeyihiin ceelka shidaalka soo saara ee loo yaqaan Koniko.

Mas'uul katirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaafiic lagu weeraray ciidamadooda ku sugan gobolka Derazuur ee dhaca bariga Suuriya balse wuxuu beeniyay in khasaare uu soo gaaray ciidamada Americanka ah.

Telefeshinka ku hadla afka nidaamka bishaar Al-asad ayaa isna xaqiijiyay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay gudaha saldhigga ciidanka Mareykanka ee kuyaal hareeraha ceelka Gaaska Koniko.

Warbaahin tabaacsan kooxo shiico ah oo Ciraaq ku sugan ayaa sheegtay in illaa 4 madfac oo hoobiyaal ah si toos ah loogu beegsaday taliska ciidanka Mareykanka ee bariga Suuriya.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa illaa sedax weerar lagu qaaday diblumaasiyiin iyo ciidamo American ah oo ku sugan wadamada Ciraaq iyo Suuriya, weerarada qaar ayaa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa khamiistii xaqiijisay in 2 askari ay uga dhaawacmeen weerar ka dhacay saldhig kuyaal meel ku dhow magaalada Baqdaad.

Garabyada Iiraan ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa weeraro ku haya masaalixda mareykanka ee mandiqadda iyadoona dhowr jeer ay xukuumadda Washington duqeymo ku dishay hoggaamiyaal shiico ah oo daacad u ah Iiraan.

Related Items

Update cookies preferences