Taliban oo Afghanistan kusii luga fidsanaysa iyo Ruushka oo digniin udiray Mareykanka.

Tuesday July 13, 2021 - 17:36:04
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahanka Taliban ayaa wali sii wada guluf dagaaleedka ay ku qabsanayaan magaalooyin iyo deegaanno katirsan wadanka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya bartamaha Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay qabsadeen degmada Siigaan oo katirsan wilaayada Baamyaan.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Taliban ayaa bayaan ku xaqiijiyay in ciidamadoodu ay qabsadeen illaa 2 degmo iyo saldhigyo dhammaantood kuyaal bartamaha Afghanistan.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 95% ay ciidamadeeda kala baxday Afghanistan, mas'uul uhadlay wasaaradda difaaca ayaa xaqiijiyay in howlgalka insixaabka uu heer gaba gaba ah marayo.

Jeneraal Kenneth F. McKenzie ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka taliska ciidanka Mareykanka ee Afghanistan wuxuuna bedelay Scot Muller oo 10kii sano ee lasoo dhaafay taliye u ahaa ciidanka American-ka Afghanistan.

Afhayeenka Pentagon-ka ayaa shir saxaafadeed ku sheegay in Kenneth McKenzie uu awood u leeyahay in uu duqeymo ugeysto ciidamada Taliban si looga hor istaago qabsashada magaalooyinka waaweyn.

Hoggaanka sare ee Xarakada Taliban ayaa markale Turkiga uga digay in uu ciidamadiisa baaqi ugasii dhigo Afghanistan, Imaarada islaamiga ah waxay sheegtay in damaca Turkiga ee ah in ciidamadiisa uu kusii haayo wadanka aan la aqbali doonin.

Dowladda Ruushka ayaa iyana Mareykanka uga digtay in uu saldhigyo melleteri ka furto dowladaha dariska la ah Afghanistan, Moscow waxay ku andacootay in dowladihii kamid ahaa midowgii Suufiyeeti aysan diyaar u aheyn in ay marti geliyaan saldhig melleteri oo halis gelin kara amnigooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences