Dhimashada ka dhalatay Roobabka Jarmalka ku dhuftay oo 103 ruux gaartay.

Saturday July 17, 2021 - 12:15:35
Liibaan Jeexoow
Waxaa sare ukacay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay roobab daadad wata oo ku dhuftay gobollo katirsan dalka Jarmalka.


Wasiirka arrimaha dibadda wadankaas ayaa ku dhawaaqay in dhimashada ka dhalatay roobabka mahiigaanka ah ay gaartay 103 ruux islamarkaana khasaaruhu usharaxanyahay in uu intaas ka bato.

gobollada ay ka dhacayaan musiibooyinka ugu badan ayaa kala ah North Rhine iyo Westphalia, kumanaan katirsan ciidamada gurmadka degdegga ah ee Jarmalka ayaa loo daad gureeyay goobaha ay musiibooyinku ku dhufteen.

Mas'uuliyiinta Jarmalka waxay sheegeen in sababta uu khasaaruhu ubatay ay tahay roobabka mahiigaanka ah oo saacado badan da'aya iyo webiyada oo bilaabay in ay fatahaan.

Dhinaca kale ugu yaraan 14 ruux ayaa roobab daadad wata ugu dhinteen dalka Biljamka, waa musiibadii ugu khasaaraha badneed ee Jarmalka ku dhufatay tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee adduunka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences