Ninkii Danish-ka ahaa ee Aflagaadeeyay Nabiga SCW oo halaagsamay.

Monday July 19, 2021 - 11:48:59
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday in uu dhintay malcuunkii caanka ku ahaa aflagaadada Nabiga SCW kaasi oo ka caraysiiyay umadda milyaarka muslimka ah.


kurt westergaard ayaa isagoo 86 sana jir ah ku bakhtiyay gurigiisa oo kuyaal magaalada copenhagen ee caasimadda u ah dalka Denmark.

Qoyska kurt westergaard ayaa usheegay wargeys maxalli ah in isagoo hurdaya uu dhintay mana jirin wax cudur ah oo lagu ogaa, ninkan gaalka ah ayaa sanaddii 2005 sawir gacmeedyo uu ku aflagaadeynayo nabiga SCW ku baahiyay wargeys maxalli ah.

Mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda Denmark laguna difaacyo Nabiga SCW ayaa xiligaas gilgilay caalamka islaamka iyo xataa wadamada reergalbeedka.

Halyeeyo muslimiin ah ayaa dhiigooda ku difaacay Nabigeena maqaamka sare leh waxaana kamid ahaa dagaalyahan istish-haadi ah oo weerar naf hurnimo ku qaaday dhismaha safaaradda Denmark ee wadanka Pakistan.

Sanaddii 2010 halyeey dhalinyaro Soomaali 28 sana jir ah ayaa kurt westergaard ku weeraray gurigiisa si uu naftiisa udhaafiyo uguna aargudo nabiga balse uma suurtagelin in uu dilo oo booliska ayaa gacanta ku dhigay.

Related Items

Update cookies preferences