Dowladda Federaalka oo sheegtay in Itoobiya gebi ahaanba ka bixi doonto Somalia dhammaadka sannadkan.

Saturday June 01, 2024 - 17:23:46
Liibaan Jeexoow
La taliyaha 'Amniga Qaranka' DF Xuseen Macallin ayaa ka dhawaajiyey goorta ay ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan Soomaaliya.
Xuseen oo ka jawaabayey su’aalo lagu weydiiyey barta X waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka howlgeli doonaan ciidammo cusub oo tiradooda uu ku sheegay dhowr iyo toban kun balse waxa uu ka reebay ciidamada Itoobiya.

Mar wax laga weydiiyey qaabka uu yeelan doono iyo waxa uu ciidanka cusubi kaga duwanaan doono ATMIS waxa uu Xuseen sheegay in howlgalkii cusbaa ee ATMIS aan haba yaraatee waxba laga faa’idin.

"Waxaan dhihi karnaa maandheytka ATMIS maba fulin, ATMIS waxa loo desing-gareeyay/qaabeeyay ina ay noqdaan ciidan guurguura oo la howlgala ciidanka Soomaalida taasina ma dhicin, annaguna ma rabno in aan mar labaad hungowno” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Xuseen waxa uu dhanka kale xusey in ciidamada cusub ee la qori doono 2025 ay noqon doonaan kuwo xaddidan oo keliya ilaalin doona meelo ay kamid yihiin dekedaha iyo eerboorrada. Xukuumadda Muqdisho shisheeyuhu ku ilaaliyo iyo Addis Ababa ayaa khilaafkoodu soo bilowdey markii Korneyl Muuse Biixi qayb kamida xeebaha Waqooyi uu u saxiixay Abiy Axmed.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences