Baarlamaanka Faransiiska oo meel mariyay qaanuun halis ku ah Muslimiinta.

Sunday July 25, 2021 - 17:09:37
Liibaan Jeexoow
Baarlamaanka dowladda Faransiiska ayaa cod aqlabaliyad leh ku ansixiyay qaanuun gaaleed ka dhan ah islaamka iyo ehelkiisa.


Kulan xildhibaanada baarlamaanka wadankaas ay ku yeesheen magaalada Paris ayay uga doodeen qaanuunka loogu magac daray ixtiraamka mabaa'diidka jamhuriyadda" kaasi oo ah mashruuc lagula dagaallamayo dadka muslimiinta ah.

Qaanuunkan oo dood kulul ka dhax dhaliyay qeybaha kala duwna ee bulshada faransiiska ayaa dhigaya in ciriiri lageliyo faafinta dacwada islaamka iyo in muslimiintu ay aqbalaan dhammaan qawaaniinta gaalada wadankaas.

kadib todobo bilood oo golaha baarlamaanka iyo aqalka odayaasha ay isku mari la'aayeen dhaqan gelinta qaanuunka iyo sharciyad siintiisa ayaa ugu dambeyntii lameel mariyay.

49 kamid ah golaha odayaasha Faransiiska ayaa ucodeeyay qaanuunkan halka 19 xildhibaan ay diideen.

Qaanuunkan loogu magacdaray ixtiraamka mabaa'diidka Jamhuuriyadda faransiiska ayaa si gaar ah ubeegsanaya muslimiinta ,wasiirka arrimaha gudaha faransiiska oo kamid ah siyaasiyiinta gadaal ka riixayay meel marinta qaanuunka ayaa sheegay in uu wax weyn ka tari doono xakameynta wax uu ugu yeeray islaamka xagjirka ah.

Hoggaamiyaasha jaaliyadda muslimiinta Faransiiska ayaa ansixinta qaanuunkan ku tilmaamay mid qamcin doona aqaliyadda muslimiinta islamarkaana awood dheeri ah siinaya cidamada ashahadda ladirirka ah.

waxyaabaha uu qaanuunkan cusub farayo waxaa kamid ah in lakala diro jamciyaadka muslimiinta ee gacanta ku haya maraakizta diiniga ah,masaajidda iyo dugsiyada qur'aanka.

sanadadii lasoo dhaafay ayay wargeyso laga leeyahay faransiiska iyo shakhsiyaad saliibiyiin ah waxay aflagaadeynayeen nabigeena maqaamka sare leh ee Muxa'med SCW iyadoona Macron madaxweynaha wadankaas uu bogaadiyay falalkaas foosha xun ee ka dhanka ah muslimiinta.

Faransiiska waa dal cadaawad soo jireen ah uqaba islaamka iyo ehelkiisa wuxuuna marwalba abaabulaan olole ka dhan ah muqadasaadka muslimiinta

Related Items

Update cookies preferences