Ciidamada Imaarada Islaamiga ah oo saacado gudahood qabsaday 5 magaalo oo muhiim ah.

Sunday August 08, 2021 - 17:17:06
Liibaan Jeexoow
sidii tusbax go'ay oo kale ayay usii kala daadanayaan ciidamada xukuumadda camiilka kaabuul kuwaas oo dowladda Mareykanka ay tabbaarro iyo tabantaabooyin ay siinaysa 20kii sano ee lasoo dhaafay.


wararka ka imaanaya afghanistan ayaa saacad walba ku bishaaranaya furashooyin waaweyn oo ay xaqiijinayaan geesiyaasha towxiidka ee imaarada islaamiga ah.

Kadib dagaal saaco badan qaatay ayay ciidamada Imaarada Islaamiga ah usuurtagashay in ay la wareegaan magaalada Taleqaan ee caasimadda u ah maamulka Takhar ee waqooyiga Afghanistan dhaca.

Mas'uul u hadlay Taliban ayaa sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen dhammaan xarumaha maamulka magaalada ayna dhabarka ka jebiyeen ciidamadii xukuumadda.

Qabsashada magaalada Taleqaan ayaa ka dhigan in dhammaan gobollada waqooyi ee dalka Afghanistan ay ka baxeen gacanta xukuumadda.

Waa magaaladii 5aad oo 48 saac gudahood ay qabsadeen ciidamada Imaarada Islaamiga ah arrinkaas oo banaanka soo dhigaya taak darida ciidamada dowladda camiilka ah.

Related Items

Update cookies preferences