Maleeshiyaadka Cafarta oo dib looga qabsaday deegaanno dhaca galbeedka gobolka Sitti.

Wednesday June 12, 2024 - 17:38:07
Liibaan Jeexoow
Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaanno dhowr ah oo katirsan dhulka Soomaaligalbeed ee ku jira gummeysiga Xabashida.
Wararka ka imaanaya gobolka Sitti ayaa sheegaya in dagaallo aan kala joogsi laheyn ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay halkaas ku dhaxmarayeen maleeshiyaad kasoo kala jeedo Cafarta iyo Soomaalida.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallada oo ay ku dhinteen tobanaan ruux oo ubadan dhinacyadii dagaallamay ay sababeen maleeshiyaadka Cafarta laga saaro dhowr deegaan oo ay horay uqabsadeen waxaana kamid ah tuulooyinka Xoorri iyo Dhuunyar oo dhammaantood dhaca galbeedka gobolka Sitti.

wararka ayaa intaas ku daraya in dagaallo lagu hoobtay ay weli ka socdaan buuralayda Madane, muuqaallo lagasoo duubay goobaha dagaalka ayaa muujinaya maxaabiis iyo hub laga qabtay maleeshiyaadka Cafarta.

Barre Daahir Suge oo kamid ah dadka ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ee sida aadka ah loogu loolamayo ayaa sheegay in dagaallada oo aan kala joogsan laheyn ay dhinacyadu kolba dhinac isku riix riixayaan balse dagaalladii ugu dambeeyay ay ku gacan sarreeyeen maleeshiyaadka Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka oo wada socda.

Saraakiil u hadashay ismaamulka Cafarta ayaa warbaahinta usheegay in ay si adag udifaacanayaan degmada Cadhuufo iyo Garba Ciise arrinkaas hadalkaas oo loo fasirtay in ay marmarsiimo usameynayaan deegaannada baaxadda leh ee laga qabsaday.

Colaadda ka taagan gobolka Sitti ayaa larumeysanyahay in ay gadaal kasoo riixayso dowladda Xabashida Itoobiya waxayna soo kala hubaynayaan maleeshiyaadka Liyuu Booliska si loosii qabsado dhulka Soomaaligalbeed ee mudada ku dhow 100-ka sano ku jira gummeysiga.

Odayaasha deegaanka ayaa ku eedaynaya dowladda xabashida Itoobiya oo adeegsanaysa gacmaheeda maamullada Jigjiga iyo Samaara in ay doonayso in latirtiro soomaalida gobolka Sitti si dhulkaas loosiiyo qowmiyadaha kale ee xabashida katirsan ama ku daaban.

Related Items

Update cookies preferences