Madaxweynaha Tuunis oo meel mariyay dhismaha xukuumadda cusub.

Monday October 11, 2021 - 17:16:28
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dowladda dabadhilifka Tuunis ayaa soo magacaabay R/wasaare cusub iyo gola wasiirro oo ku shaqeyn doono rabitaankiisa arrinkaas oo durbadiiba ay dhaleeceeyeen kooxaha mucaaradka ah.


Golaha cusub ee wasiirrada ayaa lagu hor dhaariyay qeys saciid oo ah madaxweynaha Tuunis, markii ugu horraysay waxaa dalka Tuunis R/wasaare ka noqotay haweenay.

Najlaa Boodon oo ah R/wasaaradda dalka ayaa sheegtay in iyadu ay soo dhistay golaha wasiirrada kadibna uu ansixiyay madaxweynaha waxayna meesha ka saartay eedaymaha ka yimid mucaaradka ee ah in xubnaha wasiirrada uu soo magacaabay Qeys Saciid.

wasiirka difaaca oo ah midka ugu awoodda badan xukuumadda waxaa laga dhigay nin ay aad isugu dhowyihiin madaxweynaha waxaana lagu magacaabaa Cammaad Mamiish, halka wasaaradda maaliyadda uu wasiir ka noqday Sahaam Boogdeeri.

Wasiiradan cusub ee Tuunis looga dhawaaqay ayaa kusoo aadaya xilli jiha wareer siyaasadeed uu wadanka hareeyay tan iyo markii lakala diray golayaashii xukuumadda iyo baarlamaanka islamarkaana uu madaxweynuhu soo rogay xukun degdeg ah.

Related Items

Update cookies preferences