Madaxweynaha Kenya oo Joe Biden u sheegay in Al Shabaab ay la wareegi doonto Soomaaliya.

Saturday May 25, 2024 - 11:16:35
Liibaan Jeexoow
Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa markale lageeyay galka dagaalka ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka halganta geeska qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Kenya wuxuu Biden usheegay in dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ay lawareegi doonaan dalka Soomaaliya marka ay ciidamada shisheeyaha afrikaanta ay dalka isaga baxaan dabayaaqada sanadkan.

William Ruto ayaa Mareykanka ugu baaqay in aysan daawadayaal ka noqo Afghanistanta Soomaaliya sida uu hadalka udhigay.

Mareykanka ayaa lacago balaayiin dollar ah ku bixiyay sidii uu uguulaysan lahaa duullaanka garaddara ah ee Soomaaliya lagusoo qaaday balse 18 sano oo uu duullaankaas dalkan uga socdo si aan kala joogsi laheyn ma muuqdaan ifafaalo muujinaya hal hadaf oo uu duullaankaas xaqiijiyay.

Xukuumadda Washington ayaa dagaalka soomaaliya ugashay si toos ah iyo si dadban intaba, askar iyo saraakiil american ah ayaa lagu dilay soomaaliya iyagoo ka barbar dagaallamaya ciidamada ATMIA iyo maleeshiyaadka dowladda.

dhammaan dowladaha dhaca bariga Afrika iyo kuwa reergalbeedka ayaa wadnaha farta ku haya in shababaabul Mujaahidiin ay lawareegto soomaaliya waxaana laga dardaar warinayaa maleeshiyaadka DF-ka oo aan laheyn karti iyo tabar ay kula wareegaan magaalooyinka iyo deegaannada ay shisheeyaha afrikaanta ah isaga huleeli doonaan.

Laba sano oo maleeshiyaadkan ay dagaallo culus uga jireen goballo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa lagu ogaaday taakdaridooda waxayna ku hoobteen weeraro cagmarin ah oo ay qaadeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Safar qarsoodi ahaa oo uu Xasan Gurguurte bishan gudaheeda ku tagay magaalada Nairobi ayuu farriin calaancal ah ugu diray Joe Biden isagoo sii marsiinaya madaxweynaha Kenya.

Related Items

Update cookies preferences