Khillaafka udhaxeeya Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe oo meel xun gaaray iyo Wasiirro laceyriyay.

Tuesday May 07, 2024 - 16:42:06
Liibaan Jeexoow
Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka udhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.
Khilaafkan oo soo jiitamayay ku dhowad laba sanadood oo xiriir ah ayaa sababay in mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka Hirshabelle ay soo dhaafi waayaan magaalada Jowhar halka guddoomiyaal loo magacaabay gobolka Hiiraan ay ku shaqeyn waayeen magaalada Beledweyne.

Khilaafka oo saameeyay dhammaan mas'uuliyiinta hoose iyo kuwa sare ayaa sababay in ay kala qeybsamaan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed oo ku kala magacaaban madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Yuusuf Dabageed ayuu shaqada uga eryay dhowr wasiir oo katirsanaa Hirshabelle islamarkaana saaxiibo dhow la ahaa Cali Guudlaawe.

Dabageed ayaa eryay wasiirrada kala ah:-

1: Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Maxamed Faarax Cali.
2: Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Zakariye Khaalid Cabdi.
3: Wasiirka wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Raxmo maxamed Gulle.
4:Wasiirka War-faafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Maxamed Muuse.

Warar soo baaxay ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe uu isna xilka qaadis ku sameyn doono wasiiro saaxiibo dhow la ah Yuusuf Dabageed islamarkaana uu dib usoo celin doono kuwii maanta la ceyriyay.

Maamulka maqaar saarka ah ayay ciidamada shisheeye ku ilaaliyeen magaalooyin ay kamid yihiin Beledweyne,Jowhar Buula Burde iyo Maxaas.

Related Items

Update cookies preferences