Faysal Cali Waraabe: Xuduuddeenna ama qori baynu ku gaareynaa ama nabad.

Thursday June 06, 2024 - 13:32:17
Liibaan Jeexoow
Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka la baxey Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka warramey marxaladda siyaasadeed Somaliland iyo gobolka Sool.
Faysal waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland maalin uu ka fiican yahay aaney jirin isla markaana ay gaari doonaan ‘Xuduudka Somaliland’.

"Ciidamadu maalin ay ka quwad wanaagsan yihiin ma jirto, maalin ay ka hub wanaagsan yihiin ma jirto. Insha Allaahu xuduudeennana si dhakhso ah baynu u gaadheynaa, ama qori baynu ku gaadheynaa amba nabad” ayuu yiri Faysal.

Dhanka kale waxa uu Faysal ku baaqey in doorashadu aaney dhaafin xilligii loo qoondeeyay ee 13 November, 2024.
"Haddii doorashadu qabsoomi waydo 13 November kursigu wuu bannaanaan doonaa” Faysal Waraabe.

Waxa aanu intaa ku darey in haddii doorasho dhicu weydo shir lagu qaban doono Boorama si halkaas muranka loogu soo dhammeeyo.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences