Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Sh/dhexe.

Saturday April 27, 2024 - 11:13:32
Liibaan Jeexoow
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka si nabad gelya ah kula wareegay dhowr deegaan oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ay saaka aroortii hore si nabad gelya ah kula wareegeen deegaanka Cali Fooldheere.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda ay deegaanka isaga firxadeen, saraakiisha ciidamada Wilaayada Islaamiga Sh/dhexe oo goob fagaare ah uga muxaadareeyay dadka shacabka ah ayaa kula dardaarmay Alle ka cabsi iyo in ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka.

Related Items

Update cookies preferences