Faysal Cali Waraabe: markii wakhtigu adkaadey waxaan tagey xajka

Monday May 13, 2024 - 10:59:00
Liibaan Jeexoow
Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka Somaliland ayaa tagey magaalada London. Faysal waxa uu sheegay in uu dadka halkaa deggan kala qayb qaadan doono xuska loogu yeero 18 May oo sannadkasata maamulku xuso.
"Waxaan idiinku imi laba arrimood, miri 18 May weeye oo waatii sannadkii horeba aan idiin imi”. Siyaasi Faysal
Dhanka kale waxa uu Faysal sheegay in markii wakhtigu ku adkaadey uu xajka tagey si uu u soo ducaysto.

"waa ogeydeenoo markii aan yaabey waanigii ku orday xagga Ilaahay, waanigii Xaramka ku cararey bishii January. Waanigii Ilaahay weydiistey in uu quluubta dadka mideeyo” Faysal.

Faysal Cali Waraabe waa guddoomiyaha Xisbiga lagu magacaabo UCID ee Somaliland.

Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences