GoobJooge tagey Qabuuraha Iskoola Polizia oo noo waramaya wixii uu arkay!.

Wednesday June 12, 2024 - 17:06:28
Liibaan Jeexoow
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah uhadal haya amarkii kasoo baxay dowladda ee ahaa in lafaago xabaalaha iskoolo Boliisiyo arrinkaas oo argagax badan dhaliyay.
Hadaba wariyaal iyo qorayaal booqday xabaalaha iskoola boliisiyo iyo lacagta laga qaadayo qoysaska labaxaya meydadka ayaa warbixinno yaab leh ka diyaariyay.

Hoos ka akhrin warbixin arrintaas laga qoray.

Waxaan maanta tagay quruubaha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis. Waxaan ka lugeeyay iskuulka 21ᵏᵃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha.

Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydka waalidkood iyo walaalkood.

Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga jaranayo. Iridka isbitaalka waxaa dhooban boqolaal dad ah.

Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan.

Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga.

Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonada wato ee ay fasaxaan. Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadn moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay.

Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Dadka iridda taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin.

Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo qodaan. Xoogsade kasta ma gali karo oo kuwaan waxaa keenay Gobolka Banaadir iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, Ambalastuna waa $40.

Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkoodii. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn.

Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga.

Qoysas badan waxaa caawa u yaallla murugada iyo qarracanka waalid iyo walaal ay sanado ka hor aaseen oo maanta lagu qasbay, lacagna looga qaatay in ay soo bixiyaan, waxayna caawa la hoyanayaan naxdin iyo uurkutaallo ka daran tacsidii u taallay maalinkii ay meydkan aaseen.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuu ka runsheegay markii hadda ka hor dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay ayax dalka ku habsaday. Eebbe ha naga dulqaado.

Xigasho: Social Media

Related Items

Update cookies preferences