TPLF oo xaqiijisay in melleteriga Itoobiya uu kusoo qaaday duullaan cir iyo dhulka ah.

Tuesday October 12, 2021 - 12:10:15
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay jabhadda xureynta qowmiyada Tigreega TPLF ayaa ka hadashay duullaanka cirka iyo dhulka ah ee uga yimid ciidamada xukuumadda Abiy Axmed.


Afhayeenka kooxda xureynta qowmiyadda Tigreega ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duullaan qar iska xoornimo ah uu kusoo qaaday melleteriga Itoobiya balse ay si adag isaga difaaceen.

TPLF waxay ku faantay in shalay oo maalintii labaad ay socdeen duqeymo aan kala hoogsi laheyn oo ay fulinayaan diyaarado Drone ah ay maleeshiyaadkoodu difaacdeen dhul ballaaran oo katirsan ismaamulka Amhara.

Diblumaasiyiin reergalbeed ah oo si aad ah ula socda colaadda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ciidamada xukuumadda Abiy oo ay kaabayaan maleeshiyaad maxalli amxaara ah ay duullaan dhan walba ah ku qaadeen dhowr degmo oo dhaca waqooyiga gobolka Amhara.

Magaalada Desis oo xarun u ah gobolka Weldiya hareeraheeda waxaa horamar ka sameeyay ciidamada huwanta ah waxayna qarka usaaranyihiin in ay magaalada ka qaadaan hareerayntii ay kusoo rogeen maleeshiyaadka TPLF.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeymaha ugu culus oo ay geysanayaan diyaaradaha Itoobiya ay ka dhaceen degmooyinka kala ah Wergessa, Wegel iyo Tena oo dhammaantood dhaca xuduudda uu ismaamulka Amhara la wadaagto Cafarta halkaas oo ay difaacyo adag ku leeyihiin maleeshiyaadka Tigreega.

Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka ismaamulka Amhara ayaa sheegay in ay bilaawdeen howlgallo aan dib unoqosho lahayn oo lagu xaaqayo wax uu ugu yeeray maleeshiyaad Argagaxiso ah.

Dhinaca kale taliyaha guud ee ciidamada Melleteriga Itoobiya ayaa ka gaabsaday in uu caddeymo dheeraad ah ka bixiyo habsami usocodka howlgalka ka dhanka ah jabhadda TPLF.

Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay afhayeenka ismaamulka Amxaarada in uu fashilinayo sirta ciidamada meleteriga Itoobiya isagoo ku sifeey Nin iibinaya sirta qaranka sida uu hadalka udhigay.

Madaxda dowladda Itoobiya ayaa umuuqdo kuwa si aad ah uga gaabsanayo ka hadalka duullaankan cusub ee ka dhanka ah qowmiyadda Tigreega waxayna sidaas uyeelayaan si ay isaga ilaaliyaan cadaadisyada iyo cambaareymaha uga imaanaya dowladaha reer galbeedka iyo hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka.

Dagaalladan dib ugasoo cusboonaaday wadanka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli isbuucii lasoo dhaafay magaalada Addis Ababa looga dhawaaqay gola xukuumadeed oo cusub islamarkaana Abiy loo dhaariyay in uu 5 sano oo dheeraad ah sii maamulo dalkan ay colaadaha qowmiyadeed ragaadiyeen.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items

Update cookies preferences