Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo la wareegay magaalo muhiim ah oo katirsan Yemen.

Saturday October 16, 2021 - 08:15:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in wakiillada Iiraan ay la wareegeen gacan ku haynta magaalo muhiim ah oo mudda bila ah lagu loolamayay.


Saraakiil maxalli ah oo Yemen ku sugan ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Alcabdiyah oo dhaca Koonfur galbeed gobolka Ma'rib.

Lawareegistan ayaa timid saacado kadib markii ay dagaalyahannada qabaa'illada ee xiriirka lalahaa xukuumadda Yemen ay isaga bexeen magaalada, Tobanaan kun oo kamida shacabka degmada Alcabdiyah ayaa barakac bilaabay.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday sawaariikh oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada uu sabab u ahaa in ay burburaan inta badan difaacyadii adkaa ee dagaalyahannada qabaa'illada.

Wakiillada Iiraan ayaa in kabadan 3 isbuuc oo xiriir ah waxay hareerayn daran ku hayaan Alcabdiyah waxaana adkaatay in cunto iyo saad ay helaan dagaalyahanadii magaalada difaacayay iyo shacabka intaba.

Wariye ku sugan Yemen ayaa soo sheegay in la wareegidda Alcabdiyah ay halis weyn gelin doonto ciidamada xukuumadda ee ku sugan magaalada Ma'rib ee hodonka ku ah naftada.

Magaaladan ay qabsadeen Xuuthiyiinta waxaa ku dhaqan dad ka badan 30,000 oo ruux, isbahaysiga carbeed ee Aala Sacuud iyo Imaaraatka hoggaaminayaan ayaa ku fashilmay duqeymo uu uga qeyb qaadanayay dagaalka Yemen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences