Ciidanka cirka Itoobiya oo markale duqeeyay caasimadda ismaamulka Tigray.

Wednesday October 20, 2021 - 12:42:04
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markale weeraro xagga cirka ah lagu qaaday maqaalada Maqalla ee caasimadda u ah ismaamulka Tigreega.


Duqeymaha oo ay geysanayaan diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday bartamaha magaalada halkaas oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka TPLF iyo dad shacab Tigree ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo gudbisay qiic iyo uuro madoow oo cirka isku shareeray magaalada Maqalla kadib markii ay diyaaradaha nidaamka Abiy Axmed beegsadeen goobo ganacsi.

Waa markii 2aad oo isbuucan gudihiisa ay diyaaradaha dowladda Itoobiya duqeymo ka geystaan magaalada Maqalla, hay’adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya dowladda Itoobiya in ay xasuuqayso dad shacab ah.





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences