Maleeshiyaadka TPLF oo Burburiyay Masaajid ay muslimiintu ku leeyihiin Amhara iyo Cafar [Sawirro].

Thursday October 21, 2021 - 18:34:53
Liibaan Jeexoow
xilli ay is dilayaan dhinacyada saliibiyiinta ah ee isku haya siyaasada itoobiya ayay xasuuq daran la kulmayaan muslimiinta looga tirada badanyahay gobolka amhara.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in Tigreegu ay tobanaan ruux ku xasuuqeen gobolkan ayna burburiyeen goobo cibaado oo muslimiintu leeyihiin kuwaas oo dhammaantood dhaca duleedka Gonder.

Hoggaamiyaasha muslimiinta aqaliyada ku ah Amhara waxay sheegeen in laburburiyay masjid jaamaca degmada zariiba ee waqooyiga goonder,
culimada deegaanka ayaa ku eedeeyay TPLF in ay si ulakac ah ubeegsatay goobaha cibaadada islamarkaana ay toogatay dhowr qof oo muslimiin beeraleey ah.

Meesha ugu daran ee  Tigreegu ay ku xasuuqayaan muslimiinta waa gobolka Cafarta ee itoobiya gummeysato, mandiqadda afaaraad ee loo yaqaan Fantarus TPLF waxay burburisa illaa 15 masjid, masaajidda qaar waxaa lagu burburiyay duqeyn ulakac ah oo loo adeegsanayay taangiyo waxaana lagu xadgudbay  kutubta qur'aanka oo ay tadniisiyeen.

Culimada muslimiinta Cafarta waxay sheegeen in wayaanadu ay boobeen shumacyadii iyo sajaayadihii ku goglanaa masaajidda, arrinta layaabka leh ayaa ah in warbaahinta reergalbeedka ee labarooranaysa shacabka Tigreega aysan dheg jalaq usiin gummaadka iyo tacadiyada ay lakulmayaan muslimiinta.

Maxa'med awwal Aamara oo kamid ah culimada Cafarta ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro muujinayay dhibaatada ay TPLF ugeysatay muslimiinta, waxay burburiyeen buu yiri 15 masjid oo qeyb ka ahaa 38 masjid oo kuyiilay mandiqadda 4aad ee cafarta, markii deegaanadaas laga saaray tigreega ayay muslimiintu dib ugusoo laabteen guryahooda iyagoo aan haysan masaajid ay tukadaan waxaana la arkayay iyagoo banaanada salaadaha faradka ah ku jamaceeaysanaya.






Related Items

Update cookies preferences