Xarakada Al-Shabaab oo ka dambeysay weerarka lagu beegsaday
Cabdicasiis Afrika ayaa waxay sheegtay in ay muddo badan ku daba jirtay si ay u
khaarajiso, sababtuna tahay inuu ka dambeeyay dhibaateynta dad badan iyo dilka
kuwa kale oo uu kamid ahaa Xassan Xanafi Xaaji, waxayna kusii goodiyeen iney
beegsan doonaan cid walba oo dariiqiisa marta.
Haddaba anigoo ah saxafi madax bannaan oo aan u shaqeyn
Dowladda Soomaaliya, asaan taageersanayn Xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaan
jecleystay inaan maqaal dhab ka hadal ah ka qoro taariikhda Afrika, dareenka
wariyaasha iyo isbarbardhig aan ku sameynayo dilkii Afrika iyo kii Xanafi.
AFRIKA WAA KUMA?.
Afrika wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer,
Aabihiis oo ahaa askari hadba gobol loo baddalayay darteed ayuu noloshiisa ku
qaatay magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Muqdisho iyo Baraawe. Marka laga
hadlo tacliintiisa wuxuu bartay luqadda Ingiriiska oo uu ka dhigan jiray
iskuulka Ablaal oo ku yaalla degmada Heliwaa, agagaarka Baarka Walaalaha,
macallimiintiisu waxay kala ahaayeen Cabdiraxmaan Ablaal oo hadda u taagan
musharaxnimo iyo Balack.
Afrika kuma guuleysan inuu qaato waxbarasho nidaami ah haddey
tahay iskuul hoose, dhexe iyo sare. Waxaa ingiriisiga u wehliyay inuu iskuullo
gaar loo leeyahay ka qaatay koorsooyin saxaafadeed oo gaagaaban uuna markiisii
ugu horreysay ka shaqo billaabay idaacaddii STN oo uu tabaabrna ku qaadanayay.
Idaacaddaasi ka hor wuxuu la joogi jiray malleyshiyadii degganayd Warshaddii
Baastada iyo kuwii joogay magaalada Marko ee uu hogaamiyaha u ahaa Janaraal
Yuusuf Indhacadde.
Afrika ayaa sidoo kale ka shaqeeyay idaacado dhowr ah oo
isugu jira kuwa gobolada ku yaalla oo uu warka uga tabin jiray Muqdisho iyo
qaar kale oo aan ka xusi karo Shabelle iyo Codka Nabadda. Daceecad ahaan wuxuu
ahaa nin yara kulkulul asaan calool ku qaad lahayn. Muddo sannad ku dhow oo aan
wada shaqeeneynay ma ahayn mid dukada, waxaan xasuustaa mar ay arrintaas
darteed isku qabteen nin wadaad ah oo waardiye ka ahaa idaacadda. Maalinka
jimcaha wuxuu inaga dalban jiray inaan ku wareejinno shaqada duhurnimo oo aan
wixii rag ah waqti hore iska sii aadno Masjidka.
Sannadkii 2009, wuxuu si rasmi ah ugu biiray dhinac kamid ah
dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay oo ah dowladda isagoo xilligii xukuumaddii
Xassan Sheekh noqday sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad Sugidda sidaba ay maanta
sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay aaskiisa, halka uu horeyna arrintaas u shaaciyay taliye ku xigeenkii
sirdoonka DF, Cabdalla Cabdalla, Jagadaas ayaa waxay Afrika u samaaxday inuu
yeesho awood uu ku caburiyo in badan oo kamid ah wariyaasha Muqdisho.
Shaqsi ahaan waxaan Afrika dhowr jeer ku waaniyay inuu
ilaaliyo Anshaxa saxaafadda marka uu war ama barnaamij ka diyaarinayo dad aanan
la xukumin, wuuna iga aqbalay inkastoo aanan ka arag dhaqan galkeeda. Akhristow
mararka qaar kolka aad taariikh ka hadleyso waxaa kusoo maraya xaqiiqooyin
aanad ka tallaabsan karin dantuna ay kugu kallifeyso inaad iyagoo qaraar
sheegto waayo waxaa la yiraahdaa (taariikhdu ma naxariisato).
Cabdicasiis Afrika waxaa taariikhdiisa caanka ah kamid ah
inuu kufsaday gabar ay isku mihnad ahaayeen kana shaqeeneysay idaacadda
shabelle Nofember 2013. Faadumo Cabdulqaadir oo ah gabar uu dhali karo ayaa
warbaahinta ka sheegtay iney kufsadeen isaga iyo nin kale oo filim qaade ka
ahaa warbaahinta dowladda, dhacdadaasna waxay sababtay in sirdoonka dowladdu
weeraraan idaacadda Shabelle islamarkaana xeraan qaar kamid ah wariyaashii ka
hawl galayay oo aan ka xasuusto Maxamad Bashiir. Dhacdada kufsiga Faaduma iyo
tacaddiyadii ka dhashay dartood ayaa waxaa dibadda loogu qaaday gabadha iyo
qaar kamid ah wariyaashii Shabelle oo illaa hadda ku nool Yurub! Afrika wuxuu
habeenkii xalay ku baxay gacanta Xarakada Al-Shabaab oo uu dagaal kala
dhaxeeyay.
ISBARBARDHIG DILALKII XASSAN XANAFI IYO C/CASIIS AFRIKA.
Cabdicasiis Afrika wuxuu galay dagaal qof kasta u muuqda,
ninkii dagaal u bareerana aqoontu waxay na tuseysaa inaan subag iyo saliid loo
marineyn hayeeshee la dilayo. Bishii Abril ee sannadkii 2016, waxay Dowladda
Federaalka toogatay Xassan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa wariyaasha Xarakada
Al-Shabaab oo ay kasoo iibsatay dowladda Kenya, maalintaas ma dhicin in ka
saxafiyiin ahaan aan ka tacsiyeyno geeridaas, ma jirin saxafi cambaareeyay, ma
jirin wariye su’aalo ka keenay qaabkii loola dhaqmay iyo xaaladdiisii
caafimaad, laakin (haddaan runta isku sheegno) C/casiis Afrika aad baan uga
naxnay dilkiisa annagoo muujineyna inaan isku mihnad ahayn.
Sidaasi aawgeed su’aashu waxay tahay haddii aan Afrika ugu
jiir naxnay sida ay asxaab badan ii sheegeen inuu saxafi ahaa oo aan isku
qaanad ku jirnay, Xanafiba saxafi ayuu ahaa, ee maxaa keenay inaan midna u
doodno midka ka aamusno? Arrintaas waan waayay qof si cilmi ah iiga jawaaba
waan sugayaa.
Haddii saxafiyiinta qaar ay ku doodaan Xanafi wuxuu ahaa
sarkaal, Afrikaba sarkaal ka tirsan Sirdoonka ayuu ahaa. Waa su’aal nagu soo
laabanaysa oo u baan inaan dib isku weydiino kana fakarno miisaanka aan wax ku
cabbireyno, haddii kale waxaan noqoneynaa garab kamid ah dhinacyada
dagaalamaya.
Ugu dambeyntii Afrika wuxuu u hoyday aakhiro kuma huwinayo
ammaan uusan lahayn, mana saarayo eed uusan mudan, wuxuu leeyahay wixii uu
Rabbi kala kulmo, anana waxaa nala gudboon inaan ka fakarno adduunyadeena iyo
aakhiro wixii aan Alle hortiisa la tagi doonno.
Qore:
Suxufi MM Xaaji