Jarmal Dooni Maayee, Jilib Yaa i Geeya!..... W/Q: Aweys Manaane

Sunday June 26, 2022 - 22:19:09
MeMO Staff
Waxaa labadii Isbuuc ee lasoo dhaafay warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshadu ku xiriirto qabsaday warbixin laga sii daayay Talefishinka laga leeyahay wadanka Ingiriiska ee Channel 4, warbixintaas oo uu diyaariyay wariyaha Soomaaliga ah ee Jamaal Muxumad Cismaan.

Wariye Jamaal wuxuu booqasho ku tegay dhulka uu ka taliyo maamulka Al Shabaab, gaar ahaan gobollada Jubooyinka. Waxaa uu tegay degmooyinka Kamsuuma, Jilib iyo Jamaame, waxaa uu kasoo diyaariyay warbixin xiisa badan oo ay ilaa hada daawadeen dad dhawr malyan ah.


Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii daawaday barnaamijka Jamaal Cismaan, runtii aad baan uga maqsuuday inaan arko magaaladaydii Jilib oo ay muddo dheer iigu dambaysay, waxaan ahay qof degan mid kamid ah wadamada Yurub, balse weli qaxooti ah oo aanan sharcigii wadanka la siinin. Anigoo dhibaatadaas qaba, waxaa hada iigu darsoomay waxa afka Ingiriiska lagu dhoho "Homesick”. Waxaan u hiloobay dalkeenii, deegaankeenii iyo duunyadeenii. Alloow sahal amuuraha.


Waxaan aad u jeclaa in warbixinta Jamaal Cismaan ay intaan kasii dheeraato. Inuu wariyuhu tago deegaanada hoostaga degmada Jilib, sida: Mareereey, Axmad Yare, Fara-guroow, Baladul-kariim, Hoombooy, Helashiid, Hargeysa-yareey, Guduudeey, Kaaytooy, Cismaan-mooto, Mubaarak, iyo biya-xireenkii waynaa ee Faanoole. (Waa halkii ay ku baxday maahmaahdii caanka baxday ee "Fari Kama qodna Faanoole”)


Waxaan rajaynayay inaan arko beerihii Cambaha ee ku teedsanaa wabiga Jubba, gaar ahaan Jilib, Jamaame, Saakoow, Kamsuuma iyo Bu’aale, balse anigoo ah nin warbaahinta wax ka bartay, waan ogahay inaan intaas oo dhan heli karin, maadaama warbixintu iska koobantahay.


Waxaan fariin (comment) dhanka Facebook ah u diray Jamaal Cismaan, balse nasiib darro, fariintaydii waxay ku dhex dhuntay kumanaanka fariimaha ah ee dadka Soomaaliyeed iyo ajanabiguba kaga soo jawaab celiyeen muuqaalka uu soo diyaariyay wariyuhu. Waxaan jeclaan lahaa inaan la sheekeysto Jamaal, kana waraysto wax ka badan intii uu soo bandhigay, si aan u ogaado xogo badan oo iga daahsoon.


Waxaan arkay sawir uu Jamaal Cismaan soo dhigay bartiisa Facebook, waxaan ka helay lambar ay leeyihiin qaybta gargaarka deg-dega ah ee maamulka degmada Jilib. Waxaan wacay lambarkii waxaana iga qabtay wiil dhalinyaro ah, wax yar baan la sheekeystay anigoo iska dhigaya qof gurmad caafimaad u baahan, waxaan lahjadiisa ka fahmay inuu kasoo jeedo tuulada Manaane ee hoostagta Jilib.


Waxaan ku farxay in dadkii beeralayda ahaa ee jaahilnimadu ku haysay tuulooyinkaas fog-fog ay maanta wax barteen, qaarkoodna ka tirsan yihiin maamulka iyo hawlwadeenada gobolladaas.

Waxaan wariye Jamaal uga mahad celinayaa geesinimada uu qaatay ee uu ku go’aansaday inuu ku tago dhulka Al-Shabaab. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa inuu tegay deegaankaygii Jubooyinka, gaar ahaan degmadaydii Jilib.


Wariyeyaasha Soomaaliyeed, intooda xorta ah, waxaan ku boorinayaa inay ku daysadaan Jamaal Cismaan, wax ka bartaan tallaabada uu qaaday, ka faa’iidaystaan khibradiisa saxafinimo, yeeshaana geesinimo ay ku tagaan dhulkooda hooyo, kana soo waramaan halkaas.


Ogaada dhulka Shabaabku haysto waa dhulka ugu ballaaran uguna hodansan deegaanada Soomaaliya, dadka dhulalkaas kasoo jeeda, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool, way danaynayaan inay deegaanadooda arkaan. Adinkuna kolleey Like iyo Share waad ku xisaabtantaane, wararkaas xiisaha badan raadiya.

W.Q: Aweys Manaane,Bremen, Germany

Related Items

Update cookies preferences