Kolonyo uu hogaaminayey Cali Jeyte oo Markale la Weerary iyo Meydadka Askartiisa oo uu ka cararay [SAWIRRO].

Sunday July 03, 2022 - 14:03:27
MeMO Staff
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo uu hogaaminayey gudoomiyaha gobolka Hiiraan u qaabilsan maamulka Hirshabelle, Cali Cusmaan Jeeyt, lagu weeraray duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyey ciidankii uu watay.
Kamiinkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo socday in muddo ah sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dagaalkaan oo maanta duhurkii dhacay ayaa qabsaday kolonyadii uu watay gudoomiyaha xilli ay kasoo ambabaxeen dhanka degmada Matabaan kuna sii jeedeen deegaanka Qabno ee isla duleedka Matabaan

Sarkaal u hadlay ciidamada Al Shabaab ayaa sheegay inay ka war hayeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyada, isla markaana ay usii diyaariyeen kamiinka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamadii Cali Jayte kasoo gaaray dagaalka.

Goobta dagaalka wuxuu gudoomiyaha uga cararay 3 askari oo mayd ah iyo hubkoodii, halka qaar kalena uu horey usii qaateen.

Kolonyadii ayaa dib ugu noqotay degmada Matabaan kadib markii si ba'an loogu jebiyey dagaalkii ay la kulmeen.

Related Items

Update cookies preferences